Manchester United Oo 70-milyan ku dooneyso Jadon Sancho.

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay 70-milyan ku  dooneyso saxiixa lacibka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

18 jirkaan ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay horyaalka Germany kulamadii uu u ciyaaray kooxda Dortmund.

Majalada The Sun ayaa ku warameysa in laacibka kooxda Borussia uu soo jiiday indhaha Tababaraha kooxda United iyagoona ku doonaya aduun dhan 70-milyan

Jodan Sancho ayaa ka mid ahaa xidigii aadka looga doon doonayay suuqii jilaalka waxaana laacibka uu diirada u saarnaa kooxo dhowr ah waxaana ka mid ah PSG,Real Madrid waxaana markan kuso biirtay United-ka.

Sancho ayaa kooxdiisa u dhaliyay 13 gool 33 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester City 2017.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Haweeney 7; Carruur ah halmar ku dhashay Dalka Ciraaq

Read Next

Anthony Martial iyo Jesse Lingard oo 3-dax todobaad garoomada ka maqnaanaya, Sabab?