Waare oo Hiiraan u tagaya dhagax dhigga Mashaariic laga fulinayo Gobolka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxaa uu sheegay in uu tagayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mr Waare ayaa sheegay in Baladweyne iyo Buulo Burte uu ka dhagax dhigayo 12 Mashruuc oo wax u taraya dadka Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa intaas ku daray in uu rajeeynayo in mashaariicdaasi ay waxbadan ka qaban doonaan horumarka Gobolka.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Mashaariicda Gobolka Shabeellaha dhexe sida Cadale,Warsheekh iyo meelo kale lagu guuleystay halka Magaalada Jowharna mashaariicda horumarinta ah ee laga fulinayo ay meel wanaasgan marayaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Museveni invited to witness Somalia peace-building

Read Next

Deni oo wasiirradiisa kalsooni uga raadinaya Baarlamaanka.