Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS
Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay hormuud ka tahay Madaxtooyada Puntland.
Kulamadan ayaa inta badan xoogga lagu saarayaa sidii Golaha wasiirrada ee uu dhawaan magacaabay Siciid Cabdullahi Deni ay Baarlamaanka uga heli lahaayeen codka kalsoonida.
Kulamadan waxaa ku lug leh Madaxweynaha iyo siyaasiyiin taageersan madaxtooyada Puntland oo doonaya in wasiirradan la meel mariyo.
Sabtiga soo socda ayaa lagu wadaa in Wasiirrada cusub ee Puntland la horgeeyo Baarlamaanka Maamulkaasi si ay cod u siiyaan.
Wasiirrada Puntland ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 48 xubnood,kuwaas oo 44 ka mid ah la dhaariyay Talaadadii la soo dhaafay halka afarta dhimman la dhaarinayo sabtiga soo aaddan ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin.
