Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka furmay Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa maanta ka furmay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Maamulkaas.

Cali Guudlaaw Xuseen iyo Maxamed Cabdi Waare.

Kalfdhiga maanta furmay waxaa fadhiyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe Huseen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed iyo ku xigeenkiisa 2aad Marwo Canab Axmed Ciise.

Cismaan Barre Maxamed iyo Canad Axmed Ciise

Waxaa kale oo kulanka maanta qeyb ka ahaa Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo intooda badan isku shaandheyntii Habeen hore helay xilalka wasiirrada ah iyaga oo xubnaha Baarlamaanka ka tirsan.

Cali Guudlaawe, Maxamed C.Waare iyo C/Raxmaan Maxamed Caadle.

Magaalada Jowhar waxaa dhawaan ka socday mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka inkasta oo ay u muuqato in si hoose loo dhameeyay.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Kenya oo sheegtay in weerarrada Al-shabaab ay 47% hoos u dhaceen

Read Next

MW Laftagareen oo Baydhabo kulan kula qaatay UNSOM.