Madaxweyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilsay wafdi ka socday UNSOM.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Wakiilka UNSOM ee Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,waxana goobjoog ka ahaa Xubno uu ka mid yahay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa sheegay in uu kala halay UNSOM sidii ay uga qeyb qaada lahaayeen olala dib u heshiisiinta ee Maamulkiisu kawado Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in UNSOM ay ku amaaneen Maamulkiisa in uu heshiis ka gaareen Xaaladii Siyaasadee ee Baydhabo soo martay Xiligii Ololaha loogu jiray Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya oo rabshado badan ka dhasheen.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in UNSOM ay balan qaadeen in ay ka garabsii doonaan ladagaalanka waxa loogu yeero Argagixisa.
