Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Mohamed(Lafta-gareen) ayaa Maanta kulan la qaatey Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ,Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Baay, kan Gobolka Shabeellaha hoose iyo Gudoomiyaha degmada Baydhabo Iyo Mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka ee ka shaqeeyada Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa marka hore warbixin looga dhageystay madaxda Hay’adaha sama falka ee ka howlgala Koofur Galbeed, waxa ayna ka warbixiyeen shaqooyinkii ay qabteen Sadeexdii bilood ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa u mahad celiyey Hay’addaha Samafalka ee howlgala Koofur Galbeed ee uu sheegay in ay gar gaar gaarsiiyeeb deegaano ay ka jirtay Xaalad Nololeed isago ku dhiira galiyey shaqadooda.
