Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya ayaa maanta warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Indonesia u soo dirtay Soomaaliya.
Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Soehadjono Sastromihardjo, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanka qaabilaadda uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.

Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi oo in badan soo socday waxa ayna sheegtay wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya in la xoojinayo Xiriirka labbada Wadan ee Soomaaliya Indonesia.

