Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Indonesia

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya ayaa maanta warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Indonesia u soo dirtay Soomaaliya.

Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Soehadjono Sastromihardjo, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

L’image contient peut-être : 2 personnes, personnes assises et intérieur
Kulanka Danjiraha Indonesia iyo Wasaarada arimaha Dibbada.

Intii kulanka qaabilaadda uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.

L’image contient peut-être : 1 personne, assis
Kulanka ay wadda qaateen.

Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi oo in badan soo socday waxa ayna sheegtay wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya in la xoojinayo Xiriirka labbada Wadan ee Soomaaliya Indonesia.

L’image contient peut-être : 3 personnes, personnes assises et intérieur
Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Safiirka Induniisiya.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Tottenham oo badalka Kane ka arkootay Barcelona, Waa kuma?

Read Next

MW Laftagareen oo kulan la qaatay Hay’addaha Samafalka ka howl gala KGS.