Al-shabab oo labo Nin ku dishay Jilib

Shalay gelinkii dambe Xarakada Al-shabaab ayaa labo Nin ku dilay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Ragga la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay horay u dileen Nin xoolo dhaqato ah,waxaana xukunka lagu fuliyay uu ahaa mid Qisaas ah sida ay sheegtay Al-shabaab.

Labada Nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabayay Gaabow Yare Ibraahim, oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 Sano jir ah kuwaas oo dhowaan dil u geystay nin Xoolo dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan oo dilkiisa ka dhacay Baadiyaha Deegaanka Galsheeq Abiikar ee hoosyimaada Degmada Jilib.

Al-shabaab ayaa sheegtay in falka toogashada ah uu ka dhacay Fagaare lagu magacaabo Aadan Xaashi Ceyrow halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal qof oo ka mid ahaa dadka degaanka islamarkaana daawanayay xukunka qisaasta ah.

Al-shabaab ayaa xukunnada qisaasta iyo gacan gooynta ah ka fuliya gobollada ay ka maamulaan Soomaaliya iyada oo dhowr jeer xukunnadan oo kale ay ka dhaceen meelo ka mid ah bartamaha iyo Koofurta dalka.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiir Islow: “Dadka dhaliilaya xirnaanshaha waddooyinka waa Al-shabab”,dhegeysi

Read Next

Al-shabab executed two men in Middle Jubba