Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle ay si dhow ula socdaan dadka ka dambeeya colaad beeleedyada ka socda Maamulkaas.
Waare oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu sheegay in Ganacsato iyo shaqsiyaad kale ay ku lug leeyihiin hurinta colaadda beelaha islamarkaana uu maamulka tallaabo ka qaadayo.
Dagaal Beeleedyo ay ku dhinteen dad farabadan ayaa ka socda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.
Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu muddo bilooyin ahaa ka maqnaa Jowhar,waxaa uu ku sugnaa Muqdisho,waxaana uu dhawaan Magaalada Baydhaba uga qeybgalay Caleemasaarka Madaxweynaha Koofur Galbeed.
