Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku raad joogto saxiixa kubad sameeyaha kooxda Juventus iyo xulka Argentina.
Dybala ayaa loo arkaa in uu yahay badalka Isco koxda gadoodka ah waxaana ay u direen wakiilo si ay ula kulmaan wakiilka xidiga.
Wargeyska Tuttosport ayaa ku waramaya in Juventus ay la kulantay wakiilo ka socdo Madrid si xidiga uu ugu biro Real Madrid.
Dybala oo 25 jir ah ayaa dhaliyay 75 gool 162 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Palermo xagaagii 2015.
