Warar dheeraada oo ka soo baxaya dil loogeystay Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Matabaan

Wararka ay Mustaqbal ka heleyso Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay dishey Gudoomiye ku xigenkii Degmada Matabaan.

Gududoomiye ku xigeenka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) waxaa la dhintey 3 askari oo ilaaladiisa ahaa, sida dadka deegaanku u xaqiiyeen Mustaqbal Radio Kooxdii dilka geysatay ayaa kaxeystay Gaari uu watay Marxuunka la dilay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dilka Gudoomiye ku xigeenka ay ka dambeeyeen maleeshiyo beeleedka Wadada u gashay, waxaana kahor inta aan la dilay Gudoomiye ku xigeenka waxa uu kasoo amba baxay Degmada Maxaas, iyaga oo kusii jeeday Magaalada Baladweyne.

Dilka loo geystay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Matabaan wali kama hadlin Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Hir-shabeelle.

Mustaqbal media

Read Previous

Turkiga oo qabtay Muhaajiriin Somali ah

Read Next

Degmada Yaaqshiid oo Gudoomiye Cusub loo Magacaabay.