Turkiga oo qabtay Muhaajiriin Somali ah

Booliska Dalka Turkiga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 189 Qof oo ka kala socda dhowr dal,kuwaas oo ah muhaajiriin Turkiga ku galay qaab sharci darro ah.

War ay soo saareen Booliska Dalka Turkiga waxaa ay ku sheegeen in dadka la qabtay ay ku jiraan Haween iyo Carruur ka mid ahaa Tahriibayaasha.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay Xabsiga dhigeen 7 Qof oo loo heysto in ay yihiin muqallasiin si sharci darro ah dadkaas ku geliyay dhulka Dalka Turkiga.

Dadka la qab qabtay waxaa ay ka soo kala jeedaan dalalka Soomaaliya, Kenya, Cameroon,Masar, Eritrea, Afghanistan iyo Falastiin.

Laga soo billaabo 15kii October ee sanadkan Ciidamada amaanka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay 265,000  qof oo muhaajiriin ah,kuwaas oo inta badan u dhashay dalalka Afrika iyo Bariga dhexe.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Axmed Madoobe oo Nabad sugida Jubaland kala hadlay ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Read Next

Warar dheeraada oo ka soo baxaya dil loogeystay Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Matabaan