Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamed Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta booqday Xeryo ay ku jiraan Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland.
Axmed Madoobe oo Xerada ku lahadlay Saraakiish iyo Ciidamada Jubbaland ayaa ka codsaday in ay laba jibaaraan dadaalkooda ,sidoo kalana ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegey in Al-shabaab ay awood ahaan u liitaan oo aysa hor istaagi karin howgalka bilaawday lagana doonayo Ciidanka Jubbaland in ay isku diyaariyaan howlgalkaan.

Isaga oo sii hadlaayey ayuu sheegey in shacabka ku sugan dagmooyinka Al-shabaab maamulaan ay u baahanyihiin Xoriyad iyo nolol aan cabsi laheyn sida uu sheegana lajoogo xiligii ay heli lahaayeen xoriyad.
Ciidankaan Nabad Sugida ah oo uu maanta booqday Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in sugaan Amniga deegaanada ay gaaraan ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo howl galo ka wada deegaanadaas.
Madoobe ayaa maalmo ka hor faray Ciidanka daraawiishta Jubbaland in ay qaadaan dagaal ka dhan ah Shabaabka Maamula qeybo ka mida deegaanada Jubbaland.

