Booliska Muqdisho oo Suuqa Arjentiin ku qabtay burcad dhac geysanayay

Booliska Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay labo Nin oo Burcad ah,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dhacayeen dadka deggan Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Howlgalka Ciidamada ay ka fuliyeen Suuqa Arjentiin ee Degmada Kaaraan ayey ku soo qabteen labo Nin oo watay labo Baskooladood iyo Mooto Bajaaj.

Taliyaha Booliska Yaaqshiid Gaashaanle Bashiir Yuusuf, ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dadka degaanka ay la soo xiriireen Ciidanka amaanka sidaasna ku billaabeen howlgalka.

Inta badan Muqdisho waxaa lagu arkaa Dhallinyaro ku hubeysan Baskoolado iyo Mootooyin nooca Bajaajta ah oo ay dhaca u adeegsanayaan kuwaas oo habeenkii dadka Guryaha ugu dhaca Taleefannadana ka qaata.

Dhowr jeer ayey Booliska Muqdisho gacanta ku dhigeen kooxo sidan oo kale Dadka rayidka ah dhac ugu hayay,kuwaas oo qaarkood inta ay howlgalada socdeen ku dhintay ama ku dhaawacmay.

Mustaqbal media

Read Previous

Booliska Uganda oo raadinaya Gaari looga xaday gudaha Kampala

Read Next

Madaxii hore UNSOM ee Koofur Galbeed oo maanta lasoo sagootiyay. (Sawirro).