Booliska Uganda oo raadinaya Gaari looga xaday gudaha Kampala

Booliska Dalka Ugand ayaa maagaalada Kampala ka baadi goobayaan mid ka mid ah Basaska ay adeegsadaan Booliska Dalkaas oo la sheegay in uu la baxsaday mid ka mid ah Saraakiisha Booliska Uganda.

Godfrey Bangirana oo ah agaasimaha qeybta Injineeriyadda iyo Gaadiidka ee Booliska Uganda ayaa sheegay in Gaariga markii ugu dambeysay uu marayay Waqooyiga Kampala maalintii Axadda ahayd ee la soo dhaafay.

Laamaha kala duwan ee Booliska Uganda ayaa loo diray warqad ay ku qorantahay Taargada Gaariga,Askariga la baxsaday xogtiisa iyo nambarkiisa Booliska.

Askariga Gaariga la baxsaday ayaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Mwasa,waxaana ay Boolisku sheegeen in ay wali ku daba jiraan.

Mustaqbal media

Read Previous

Wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Read Next

Booliska Muqdisho oo Suuqa Arjentiin ku qabtay burcad dhac geysanayay