Madaxii hore UNSOM ee Koofur Galbeed oo maanta lasoo sagootiyay. (Sawirro).

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed waxaa maanta lagu qabtay Xaflad lagu soo sagootinayay u qaabilsahiii UNSOM ee Baydhabo.

Madaxeeynaha Cusub ee Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen), Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna, Xildhibaano iyo Wasiirado ayaa ka qaybgalay Munaasabadda.

Wakiilka Cusub Xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya ee UNSOM loosoo gaabiyo una qaabilsanaan doono Magaalada Baydhabo Aroud Laloum ayaa goobjoog ka ahaa Madasha.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa u mahad helay u qaabilsanihii hore UNSOM ee Baydhabo, waxa uu rajeeyay in Wakiilka cusub uu sii dhaqaajin doono waxyaabihii u qabyada ahaa Vikram Parekh oo xilka kala wareegay.

Vikram ayaa dhankiisa ugu mahad celiyay Mas’uuliyiintii iyo shaqsiyaadkii la shaqeeyay Mudada uu Xafiiskaan ku howlgalayay.

Vikram ayaa Xafiiska Howlgalka Taageerada Qaramada Midoobe Soomaaliya ee UNSOM wakiil ugu ahaa La socodka Siyaasiyadda, Ammaanka, Doorashooyinka, Xaaladaha Bani aadamnimada, qorshaha Ciidamada AMISOM iyo isbadalada soo kordha.

 

Sawirka Kulanka kadib
Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed
Shahaado Sagootin ah oo la siiyay Wakiilkii UNSOM ee Baydhabo
Aroud Laloum ninka Xafiiskaan lagu wareejiyay
https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
Viktam Parekh Wakiilkii hore UNSOM ee Baydhabo iyo Aroud Laloum Wakiilka Cusub.
Madaxweynaha Cusub Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen iyo Viktam Parekh

Mustaqbal media

Read Previous

Booliska Muqdisho oo Suuqa Arjentiin ku qabtay burcad dhac geysanayay

Read Next

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in la joojiyo Dagaal Beeleedka Maxaas.