Al-shabab oo sheegtay in sarkaal ka tirsanaa dowladda ku dishay fagaare ku yaalla Gamboole

Xarakada AL-shababa ayaa sheegatay in shalay gelinkii dambe ay degmada  Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dadka Magaalada ayey sheegtay AL-shabaab in ay isugu so baxeen fagaaraha lagu dilayay Maxamed Cali Maxamed oo ay sheegeen in uu ku magac dheeraa Kartoon.

Kartoon ayey Al-shabaab ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda sidoo kalena wada shqeyn la lahaa Ciidamada AMISOM ee jooga Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ma jirto il ka badaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijisay dilka Ninkaasi iyo uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa todobaad ka hor degaanka Mubaarak  ee Gobolka Shabeellaha hoose ku toogatay saddex qof oo labo ka mid ah ay Askar ku sheegeen halka midka kale uu ahaa Nabaddoon ka mid ahaa dadkii doortay Xildhibaannada Dowladda Federaalka ah.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweynaha Shiinaha oo Warqadaha Danjirinimo ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee China.

Read Next

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta ka dhaceysa Baydhaba