Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay waxaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.
Waxaa xilkaan u tartamaya shan musharax oo hadal jeedintooda kahor jeediyay Baarlamaanka Axadii iyo Isniintii todobaadka.
Xalay waxaa Magaalada Ka socday kala xod-xodashada Xildhibaanada, si Musharax waliba uu ugu helo Codka Kalsoonida, sidaasne uu ku noqdo Madaxweynaha Maanta guuleysta.
Ammaanka Magaalada ayaa sare loo qaaday, ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa la wareegay Baraha Kontorool ee Magaalaa Laga galo, qaar kamid ah Xaafadaha iyo agagaarka Xarunta Doorashada ka dhaceyso.
Waxaa la shaqeynaya Ciidamo Booliis ah oo qaarkood dhowaan laga qaaday Magaalada Muqdisho iyo kuwo kale oo katirsan Booliiska Koofur Galbeed, horayne ugu sugnaa Baydhabo.
Magaalada waxaa ka muuqda in ay maanta ka dhaceyso Doorasho oo waxaa xiran Goobaha Ganacsiga, Iskuulada iyo waddooyinka.
Shan Musharax ayaa ku tartamaya doorashada madaxweyne ee KGS, waxa ayn akala yihiin
- Sayid Maxamed Ibraahim Daahir, Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Uganda
- C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Wasiirkii hore ee tamarta & Biyaha
- Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) Hoggaamiye kooxeed hore
- Dr. Ibraahim Macalin Nuur
- Xuseen Cusmaan Xuseen, Agaasimihii hore ee Nabad sugidda
Dhanka Odoyaasha dhaqanka waxa ay rajo xumo ka muujiyeen in Doorashada Madaxweynaha oo ay dalbadeen in dib loo dhigo uu kusoo baxo shaqsi wax u tara Dadka Koofur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen.
Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah Odoyaasha Koofur Galbeed ayaa Mustaqbal u sheegay in Taladooda ay ahayd in Doorashada Madaxweynaha ay u noqoto mid ay ka wada qaybgalaan shaqsiyaadka isku sharaxay, balse aan dhicin.
Suldaan Shariif ayaa dalbaday in lasoo daayo shaqsiyaad ku xiran Magaalada Baydhabo, kuwaa oo la qabtay Todobaadkii tagay, kadib markii Dibadbaxyo Rabshado watay ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ka dhega fureystay in ay dib u dhigaan Doorashada oo ay soo jeediyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Xildhibaanada Golaha shacabka ee kasoo jeeda Koofur Galbeed iyo Odoyaasha Dhaqanka.
