Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Carwada ee Degmada Hodon, ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay koox hubeysan ku dileen Askari ka mid ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ehelka Askariga la dilay ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in magaciisa la oranjiray C/Maalik Sheekh Muxumad Cabdi Giirre.
C/Maalik waxaa uu sidoo kale ahaa waardiye ka mid ah Isbitaalka Deva ee Magaalada Muqdisho,koox baskoolado ku hubeysan ayaa ku toogtay Xaafadda Carwada Taleex ee Degmada Hodon.
Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobtaas iyada oo meydka Askariga ay Ciidamada amaanka oo goobta gaaray ka qaadeen.
Muqdisho xalay waxaa sidoo kale lagu dilay Maamule Iskuul ku yaalla Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafadda kooka koolla.
