Abiy Axmed oo lashiraya Mucaaradka Dalkiisa.

Magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya maanta waxaa ka furmay shir ay leeyihiin Mucaaradka iyo xukumada,waxaana looga hadlayaa arimo ku saabsan doorashada 2020-ka ee dalkaasi ka dhici doonta.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyey Ra’iisulwaraare dalkaasi Abiy Axmed waxa uuna sheegey in shirkaan diirada lagu saarayo sidii doorasho cadaalada ay ugu dhici laheed dalkaas sanada 2020-ka.

Shirka waxa qeyb ka ah Ra’iisul wasaaraha iyo hugaamiyaasha Mucaaradka dalka Itoobiya,waxayna uga doodayaan arimaha Cadaalada,Garsoorka iyo Doorashada soo socota.

Abiye Axmed ayaa doonaya in mucaaradka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan isbadalka cusub ee ka socda geeska Afrika ayna la shaqeeyaan Xukumadiisa.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wax badan ka badalay xaalada siyaasadeed ee dalkiisa iyo macaamilka kala dhexeeya wadamada dariska ah.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Askari lagu dilay Muqdisho.

Read Next

Luis Suarez Oo Ku Biiray liiska dhaawacyada Barcelona.