Luis Suarez Oo Ku Biiray liiska dhaawacyada Barcelona.

Weeraryahanka kooxda Barcelona Luis Suarez ayaa lagu soo waramayaa in uu ku biiray liiska xidigaha dhaawaca uga maqan kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Uruguay ayuu dhaawac yar ka soo gaaray jilibka waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo 2 todobaad ah kadib dhaawaca soo gaaray.

Taas ayaa la macno ah in uu Suarez seegi doono kulanka champions League ee ay bartamaha todobaadkan la ciyaari doonaan kooxda PSV kana tirsan kulankii 5-aad ee wareega Group-yada.

Xiddig ayaa qolka dhaawacyada kula biiri doono xiddigaha Jasper Cillessen,Athur,Rafinho,Sergi Roberto kuwaas laftooda dhaawacyo kala duwan soo gaareen garoomada ka maqnaan doona muddo.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Abiy Axmed oo lashiraya Mucaaradka Dalkiisa.

Read Next

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo lagu soo dhaweeyey Baladweyne.