Dalalka Maraakiibtooda ka joogaan Biyaha Soomaaliya oo ka tashanaya howlgal ka dhan ah Burcad Badeeda Soomaalida

Dalalka Maraakiibta Dagaal ay ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka tashadaan sidii laga yeeli lahaa halista Burcad Badeedda sii kordhaysa maadaama muddo kooban ay ku afduubteen in ka badan 10 Markab.

Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, waxaa jira kulamo ay wada yeesheen saraakiil katirsan ciidamada biyaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka Burcad Badeedda si kulan weyne arrintaas ku saabsan loo qaban qaabiyo si looga hortago halista Kooxahaas.

Dalalkaan iyo ururrada ciidamada ka joogaan Badda Soomaaliya ayaa xoogga saaraya ilaalinta Maraakiibta ka gudbaysa Badweynta iyo meelaha u dhow Xeebaha Soomaaliya si aanay loo afduuban ama loo weerarin.

Awoodda Kooxaha Burcad badeedda marka la dhinac dhigo 10 sano kahor maanta ayaa la sheegay in ay ka khatar badan tahay maadaama ay qafaashaan maraakiib la tilmaamay in ay gaarayaan 13 Markab sida xogta lagu muujiyay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Uganda oo sheegtay in ay ciidankeeda kala baxaysa Soomaaliya

Read Next

Dadka ku dhintay Daadadka ku rogmaday Nepal oo sii kordhay