Uganda oo sheegtay in ay ciidankeeda kala baxaysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa ugu dambayn sheegtay in ay ciidankeeda jooga Soomaaliya kala baxayso sannad kaddib waa Agoosto 2027 sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dalkaas, Janaraal Muhoozi Kainerugaba.

Qoraal uu soo Dhigay Bartiisa X waxa uu si cad ugu sheegay Janaraal Muhoozi in ciidamadooda jooga Soomaaliya tan iyo horraantii sannadkii 2007 iyada oo taasi ka dhigaysa in ay 20 sano joogaan ciidamadaan gudaha Dalka.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo saddex qayb ah oo labo kamid ah ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee AUSSOM oo kala ah Booliis iyo Militari halka ciidanka kale ay ilaaliyaan xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Xukuumadda Kampala ayaa indhaha ku haysa howlgalka Gaza ee Maraykanka uu doonayo in uu dhaqaale badan ku bixiyo waana kan keentay in kala doorashadeeda Soomaaliya iyo Magaaladaas ay go’aan ka gaarto ugu dambayn.

Sarkaal katirsan Ciidanka Uganda ayaa dhowaan bannaanka soo dhigay sir la xiriirta in Saraakiisha Ciidamada dalkiisa ay intooda badan soo jeediyeen in ciidamadooda jooga Soomaaliya laga saaro sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha iyo taageerrada go’ay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Trump oo G20 kala kaashanaya culayska dhaqaale uu saarayo Iiraan

Read Next

Dalalka Maraakiibtooda ka joogaan Biyaha Soomaaliya oo ka tashanaya howlgal ka dhan ah Burcad Badeeda Soomaalida