Waxaa sii kordhay tirada Dadka ku dhintay Daadadka ku rogmaday Dalka Nepal iyada oo la xaqiijiyay geerida 633 qof, waxaa sidoo kale korodhay dadka nolol iyo geeri lagu la’ yahay oo gaartay 3,000 oo qof sida lagu sheegay warbixinnada maanta lasoo gudbiyay.
Shiinaha iyo Nepal ayaa iska kaashanaya howlgallada lagu raadinayo dadka la waayay iyada oo si gaar ah loo beegsano goobaha biyuhu isugu tagayaan sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay guddiga gurmadka ah ee labadaas Dal.
Dowladda Nepal ayaa gacanta ka taagtay xaaladda adag ee ka dhalatay daadadka iyada oo gacan weydiisatay Waddamada deriska la ah ee Shiinaha iyo Hindiya si ay ugu soo diraan khubarro la baadigooba dadkaas la waayay.
Mustaqbal
