Sidee looga falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare dalka ee ku aadan doorashadii ka dhacday Galmugud?
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara Gallayda iyo kuwa iibiya bacriminta si loo kordhiyo fursadaha iibsiga suuqyada Dalkaas sida uu hadalka u dhigay.
William Ruto ayaa tilmaamay in 50% laga jarayo qiimaha la iibsado Gallayda, waxaana uu intaas ku daray in Dowladdiisa ay garab istaag u muujinayso Beeraleyda si ay u helaan dhaqaalaha ay u baahan yihiin isla markaana dadkana u iibsadaan waxsoosaarkooda.
Qiima dhimistaan waxa ay billaabanaysa bisha soo socota ee September, waxaana howshaan loo xilsaaray guddi si gaar ah u saldhiga qorshahaas sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Madaxweyne Ruto.
Tani waxa ay fursad u tahay dadka beeralayda ah iyo kuwa soo iibsada qalabka loo adeegsado Beeraha iyo dawooyinka lagu bacrimiyo, waxaana socda dedaallo Xukuumadda William Ruto ay xoogga ku saarayso waxsoosaarka Dhulka.
Mustaqbal
