Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi doonayeen in ay ku qaadaan dalka, isagoo tilmaamay in la gaarey is afgarad.

Qoraal uu soo saarey Trump ayuu ku sheegay in qarka u saarnaa weerar uu ku billaabo Iiiraan, isagoo si gaar ah duqeynaya Kaabeyaasha muhiimka ah.

Trump ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska la gaarey ay qeyb yahay in dib loo furo marinka Hormus, isla markaasna cunaqabateynnada laga fududeeyo iiraan.

Sidoo kale, Trump wuxuu xusay in Israa’iil ay qayb ka tahay oo ay ku raacsan tahay ballanqaadkan cusub ee lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka taagan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Read Next

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka