MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku fiirsaneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Denis Suarez.
Suarez ayaan Barcelona wax kulan ah u ciyaarin horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo kaliya uu ku soo bilaawday kulankii Copa del Rey.
24 jirkaan ayaa seddex gool u dhaliyay 27 kulan oo uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkii hore, balse sanadkan kama mid ahan safka tababare Ernesto Valverde.
Sida uu ku waramayo wargeyska Marca ee Spain kasoo baxa laacibka ayaa durba dalab ka helay kooxaha AC Milan iyo Chelsea.
Suarez ayaa la sadaalinayaa inuu ka tagi doono kooxda Barcelona marka la gaaro bisha janaayo sanadka 2019.
