Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shir degdeg ah oo EAC ay ka yeelanayso Cudurka Ebola

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeyb gasho shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaan Wasiirrada Caafimaadka ee dalalka ku bahoobay Ururka Bulshada Bariga Afrika EAC, kaas oo looga arrinsanayo xakameynta cudurka Ebola oo dib uga soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka.

Shirkan oo ah mid dhanka fogaan-aragga ku qabsoomaya inta u dhaxaysa 1-da ilaa 2-da June 2026, ayaa looga gol-leeyahay in la dejiyo qorshe midaysan oo looga hortagayo faafitaanka nooca cudurka Ebola.

Noocan cudurka ah ayaa dhowaanahan laga soo sheegay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Uganda, taas oo dhalisay walaac xooggan oo dhanka caafimaadka ah.

Inta uu shirku socdo, wasiirrada ayaa falanqayn doona midaynta xeerarka la xiriira tallaalka, dawooyinka, iyo agabka lagu baaro cudurka Ebola si looga hortago inuu ku fido dalalka kale ee xubinta ka ah ururka.

Waxaa sidoo kale qayb ka ah wadahadallada guddiyo farsamo oo ka shaqaynaya sidii loo waafajin lahaa nidaamyada caafimaad ee gobolka si looga falceliyo xaalad kasta oo degdeg ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

lhaan Cumar oo u Tartamaysa Muddo Xileedkii Afaraad

Read Next

Itoobiya oo maanta ka dhacaysa doorashadii ugu liidatay dalkaas tan iyo 1991dii