Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa la sheegay in markii afaraad u tartamayso kursiga Golaha Wakiillada Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota, iyadoo doonaysa inay sii haysato metelaadda dadka ay ku matasho Kongreska.
Tartankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay wajahayso cadaadis siyaasadeed oo xooggan iyo weeraro uga imaanaya garabka madaxweynihii hore Donald Trump, kuwaas oo olole xooggan ugu jira sidii ay meesha uga saari lahaayeen saameynteeda.
In kasta oo ay jiraan caqabadahaas iyo cadaadiska kaga imaanaya dhanka Jamhuuriyiinta, Ilhaan ayaa ballan-qaaday inay sii wadeyso difaacista xuquuqda bulshada ay matasho iyo u qareemida dadka laga tirada badan yahay ee dalka Mareykanka.
Mustaqbal
