DAGAALKA BEELEEDYO KA DHACAY DAGMADA BALANBAL EE GOBOLKA GALGUUD

wararka ka imanaya dagmada Balanbal ee gobalka Galgaduud waxay sheegayaan in maanta halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiya beelood ee wada daga halkaas.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalku si gaar uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Oodaale oo hoos taga degmada Balanbal,goob joogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in dagaalku qaatay ku dhawaad labo saac balse lama soo warin wax qasaaraa ee uu dagaalku gaystay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in wax garadka dagmooyinka Balanbal iyo Guriceel ay wadaan dalaalo lagu doonayo in lagu dajiyo xiisa ka soo korortay deegaanka Oodaale.
Dagmada Balanbal ee gobolka Galgaduud iyo deegaanada hoos taga inta badan waxaa ku soo laa laabta dagaal beeleedyada,inkastoo dhawaan xal laga gaaray hadana waxa muuqata inuu dib u soo cusboonaaday.

Maamulka Galmudug wali kama hadlin dagaalka laga soo sheegayo dagmada balanbal ee gobolka Galgaduud

Mustaqbal media

Read Previous

President Farmajo Met Heads of Security Agencies

Read Next

Amarro lagu sugayo Ammaanka Muqdisho oo lasoo saaray.