Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo maanta la kulmay Taliyaasha Ciidamada Booliiska, Asluubta iyo Militariga ayaa kala hadlay sugidda ammaanka.
Waxaa kulankaas laga soo saaray amarro dhowr ah, sida in Ciidamada ku sugan Baraha Kontoroolada ay hubiyaan Gaadiidka.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin Gaadiidka ay saaran yihiin dadka hubeysan.
Sidoo kale taliye Bashiir ayaa intaa ku daray in ay ka bilaabayaan dhaqan gelinta amarrada Madaxweynaha Ciidamada Booliiska ah ee ku sugan Baraha Gawaarida lagu baaro.
Qofkii ay u gudbiyaan Ciidamada Booliiska waxa uu tilmaamay in ay gacan adag ku qaban doonaan, isaga oo Shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka.
9-kii Bishaan Qaraxyo lagu weeraray Hoteel Saxafi waxa ay sababeen Khasaare isugu jiray Dhimasho iyo Dhaawac, Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliyaasha Ciidamada uu maanta la kulmay ka dalbaday adkeynta Ammaanka Caasimadda.
Dhanka kale Taliyaasha Ciidamada la kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeesheeyay Taliyaasha ka horeesa, si Ciidamada u gaarsiiyaan qorshooyinka cusub ee Amniga lagu sugayo.
