Hoggaamiyaha KMG ah ee Koofur Galbeed & wafdi la socda oo gaaray Diinsoor

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji uuna qayb ka yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Saraakiil ciidan, Mas’uuliyiin Degmo, Odoyaal dhaqameed iyo xubno kale oo laga soo dhex xulay Bulshada Degmada Diinsoor ayaa soo dhaweeyay Wafdigaan waxaana billaabanaya kulamo looga hadlayo Xaaladaha Bani aadamnimo, Amniga & qodobo kale sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo ku dhow wafdigaan.

Hoggaamiye Jibriil ayaa saacado kahor waxa uu tagay qaybo kamid ah Gobolka Baay isaga oo kormeeray ciidamada gacanta ku haya nabadgalyada Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel-gaar u ah Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si uu ugu dhiirrageliyo adkaynta ammaanka Magaaladaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Muddo intee la eg ayay Soomaaliya ku heli kartaa Shidaalka uu soosaarayo Turkiga?

Read Next

Hay’adda WHO “Halista Faafitaanka Ebola waa mid aad u sarraysa”