MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Dowladaha Soomaaliya ayaa u soo bandhigtay dhigeeda Cumaan fursad ay kaga faa’iideysan karto kheyraadka dalka sida Kalluumeysiga, Xoolaha iyo Duulista Hawada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay oo ku sugan dalka Cumaan ayaa magaalada Muscat kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan, Cabdulsalam bin Mohammed Al-Murshidi.
Kulamadaan ayaa ku soo gaba gaboobay Isfahan, waxaana lagu heshiiyay in laga wada shaqeeyo sameynta Warshado si dalka Soomaaliya u yeesho shaqo abuur.
Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa u mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Cumaan oo markasta garab taagan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Cumaan ayaa kamid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta Adeegyada Bulshada.
Mustaqbal
