Kenya: Dhimasho & Dhaawac ka dhashay xiisad u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Kamba

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Tseikuru ee gobolka Kitui, halkaasi oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa xoolo dhaqato ka kala soo jeeda qowmiyadaha Soomaalida iyo Kamba.

Ugu yaraan toddobo ruux oo ka soo jeeda beesha Kamba oo ay ku jireen lix rag ah iyo hal haweeney ayaa lagu dilay fiidnimadii Sabtida, kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaadday tuulo ku taalla Tseikuru.

Sidoo kale, waxaa jiro tiro weeraro ah oo ka horreeyay, kuwaasi oo loo geystay dad Soomaali ah.

Taliyaha Guud ee Booliiska, Douglas Kanja ayaa amar ku bixiyay in Ciidamo dheeraad ah la geeyo deegaanka Kwa Kamari ee Tseikuru, si loo adkeeyo Nabadda.

Booliiska ayaa cambaareeyay dilalka, waxayna ballanqaadeen in baaritaan buuxa lagu sameyn doono dhacdadan, si caddaaladda loo horkeeno cid kasta oo ku lug leh.

Bishii Maarso 1-deedii, nin 44 jir ah oo ka tirsan beesha Kamba ayaa lagu dilay meel u dhow Mwingi Game Reserve, taasoo dhalisay weerar kale oo ay Kamba ku qaadeen Soomaalida 30-kii Maarso, kaasoo sababay dhimashada ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Soomaaliya oo Cumaan u soo bandhigtay fursad ay ku maalgashan karta Kalluunka dalka

Read Next

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan “Ruushka waxa aan la leenahay xiriir wanaagsan”