Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa saaxiibada amniga ee caalamiga ah, ayaa fulisay duqeyn dhinaca circa ah oo ka dhacday duleedka degmada Saakow ee gobola Jubbada Dhexe.
War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan AS oo ku sugnaa degmada Saakow.
“Ayada oo la helayo taageerada saaxiibada amniga ee caalamiga ah, NISA waxay fulisay hawlgal qorsheysan oo lagu beegsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo ku sugnaa duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay hay’adaha amniga.
Ilaa hadda ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay magaca hoggaamiyeyaasha lala beegsaday Duqeymaha.
Degmada Saakow iyo nawaaxigeeda ayaa muddooyinkii u dambeeyay bartilmaameed u ahaa hawlgalada dhinaca cirka ah, maadaama gobolka Jubbada Dhexe uu weli yahay goob ay ku sugan yihiin hoggaanka ugu sarreeya ee Al-Shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha dhinaca circa ah ee lala beegsado Xubnaha iyo Saraakiisha AS.
Mustaqbal
