Dowladda Eritrea ayaa beenisay in ay ku lug leedahay colaadaha ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dalkaasi.
Hadalka Eritrea ayaa daba socda eed culus oo ka soo yeertay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, kaasi oo caddeeyay in Eriteria ay qeyb ka tahay colaadaha ka socda Waqooyiga Itoobiya.
Eritrea waxay ku tilmaantay eedaymahan inay yihiin kuwo ku saleysan xumaan iyo hurinta colaad.
“Itoobiya waxaa ay sii hurineysaa colaada muddo labo sano ka badan ay ku heyso Eritrea, waana tallaabo kale oo laga xumaado,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Asmara.
Dowladda Eritrea waxay mar kale ku celisay inay ka fogaanayso wax kasta oo sii hurinaya xiisadda gobolka, iyadoo caddeysay inaysan diyaar u ahayn inay qayb ka noqoto khilaafyada diblomaasiyadeed ee aan miraha dhalin.
“Sida aan horayba u xusnay, Dowladda Eritrea ma laha wax damac ama doonis ah inay gasho muran ka taagan gobolka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea.
Xiisaddan labada dal ee dariska ah ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordheysay, iyadoo salka ku heysa dagaalka gobolka Tigrey.
Mustaqbal
