Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda
Hogaamiyaha kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Lio Messi ayaa saakay si layaab leh loogu arkay xerada tababarka kooxda Barcelona.
Messi ayaa suxulka ka jabay kulankii Sevilla, wuxuuna seegay kulamadii Inter Milan iyo Real Madrid oo kooxdu ay gaartay guulo.
Saaka ayuu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Barcelona, waana markii ugu horaysay ee lagu arko tababarka sidii uu u dhaawacmay.
Tababare Valverde ayaa la filayaa inuusan garoomada ku la soo dag dagin Messi maadaama uu u baahan yahay waqti uu si buuxda uga soo caafimaado.
