Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose

Taliska ciidanka xoogga ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay ciidanka xoogga gaar ahaan Danab ay ka wadaan gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa, iyadoo deegaanada ay howlgalladu ka dhaceen ay si buuxda ula wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Qaybta Koowaad Kumaandooska Gorgor G/Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere) ayaa sheegay in ciidanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaannada ay hore ugu sugnaayeen AS.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in ay tiro miinooyin ah ka soo saareen waddooyinka gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay AS doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan Askarta iyo dadka rayidka ah.

Ciidanka Xoogga ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe, halkaasi oo qeybo kamid ay kaga sugan yihiin AS.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2026

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka jawaabay baaqii Mucaaradka