Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2026

Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarrada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda 2026.

Fadhiga Baarlamaanka oo maanta qabsoomay waxaa xaadiray 179 Mudane oo labada Aqal katirsan, waxaana Miisaaniyadda u codeeyay 174 Xildhibaan, 4 Mudane ayaa diiday halka uu ka aamusay hal Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Aadan Madoobe oo shaaciyay Natiijada.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Xildhibaannada iyo Senatarrada fadhiyadii ugu danbeeyay u aqriyay Miisaaniyaddaan ayaa codaynta kaddib u mahadceliyay, waxaana loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saxiixaya.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Labada Aqal ee Baarlamaanka maadaama ay aqbaleen soo gudbinta ay usoo marisay Guddiga Maaliyadda oo ugu danbayn Hay’adda Xeer dejinta horgeeyay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Shiinaha oo ka falceliyay eedeynta Taiwan ay u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Read Next

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose