Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka jawaabay baaqii Mucaaradka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dhawaan Dowladda war ka soo saari doonto baaqii dhawaan ka soo yeeray Xubnaha Mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aqbaleen wada hadallo la yeesho si isku soo dhawaansho looga gaaro kala arragti duwanaashiyaha jira.

“Nimankii Kismaayo ku shiray waxaan leeyahay Colaad ma qabno, hala wada hadlo ma diidanin, balse ma ogolin meesheena ayaan joogeyna” ayuu yiri Madaxweyne, Xasan Shiikh.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli 21 bishaan magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay shir ay ku lahaayeen xubnaha Mucaaradka oo kaashanaya maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Mustaqbal

 

MM News

Read Previous

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose

Read Next

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay amniga badaha