Ciidamada ammaanka DG Puntland oo baaraya Doon ay ku qabteen Budooyinka qaraxyada & Dad la socday

War kasoo baxay Ciidamada Badda Dowlad-Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Degmada Xeebta leh ee Eyl in lagu qabtay Doon wadday Budooyinka loo adeegsado Qaraxyada iyo 7 ruux oo la socotay.

Dadka la qabtay ayaa la sheegay in 5 kamid ah ay yihiin Soomaali halka 2 kalena ay u dhasheen Dalka Yemen kuwaas oo haatan baaris dheeraad ah lagu wado si loo helo xog kale oo dheeraad ah oo ku saabsan budada lagu qabtay.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Budooyinka la qabtay lagu shubo Jaakadaha loo adeegsado qaraxyada kuwaas oo waxyeello ba’an gaysta marka qaraxaas uu u dhaco sida loo qorsheeyay sida warka lagu sheegay.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta Daacish, waxa ay ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedkaas kordhiyay la socodka dhaqdhaqaaqa dhinacyada dhulka iyo badda ee gurmadka uga gudbi karo Kooxdaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha Shacabka oo loo gudbiyay wax ka baddel lagu sameeyay Sharciga Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Read Next

Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada