Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa isbeddel ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada, kaddib markii uu xilka ka qaaday qaar ka mid ah wasiirradii hore, isla markaana magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

Magacaabistan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Shiikh Bashiir, oo war-saxaafadeedka u akhriyey warbaahinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan u magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xilkaas ka beddelay Xildhibaan Maxamuud Geesood oo hore u hayay jagadaasi.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, isaga oo xilkaas kala wareegaya wasiirkii hore.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Ciidamada ammaanka DG Puntland oo baaraya Doon ay ku qabteen Budooyinka qaraxyada & Dad la socday

Read Next

Dowladda Zimbabwe oo soo saartay amar ka dhan ah ganacsiyada Ajaanibta