Qaramada Midoobay ayaa billaawday qorshaha ay uga baxeyso gudaha Soomaaliya

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta billaabay qorshaha ka bixitaankiisa gudaha Soomaaliya, xilli mudada jiritaankiisa ku egtahay ilaa bisha October ee sannadka 2026.

Shiraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha xiritaanka Xafiiska QM ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in ay si rasmi ula wareegeen xafiiska, isagoo hay’adaha kale ee Qaramada midoobay ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan Xafiisyadan, si loo xoojiyo adeegga loo hayo Bulshada Reer Galmudug.

Dhawaan QM ayaa shaacisay in dhammaadka bisha October 2026 la soo gaba gabeyn doono Howlgalka UNSOM oo muddo dheer ka qeyb qaadanaya howlaha nabadeynta Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DG Puntland oo adkayneysa hubinta Dadka safraya ee ka yar 40ka sano si looga hortago kororka Tahriibka

Read Next

Madaxweynaha Eritrea oo garab istaag u muujiyay dowladda iyo shacabka Suudaan