Saamayn ka dhalatay Roobab mahiigaan oo ka da’ay Koofurta Qaaradda Aasiya

Waxaa sii kordhay dadka ku dhintay Daadad xooggan oo ka dhashay Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Dalalka Indonesia, Malaysia, Thailand & Sri Lanka ee dhaca Koofurta Qaaradda Aasiya, waxaa socda qorshaha lagu xakamaynayo Daadadkaas.

Magaalooyin badan ayaa koronto la’aan ka dhacday kaddib markii la damiyay maadaama laga cabsaday in ay kordhiso khasaaraha mar haddii biyaha daadadku gaareen meelo kala duwan oo Magaalooyinka Dalalkaas ah.

Roobabkaan oo soo billowday Arbacadii waxaa ku dhintay guud ahaan 600 oo qof halka waxyeello ay kasoo gaartay tiro intaas ka badan, qoysas aan tira-koob rasmi ah lagu sameyn ayaa ku guryo waayay daadadkaan.

Dowladaha dhibaatooyinkaan la kulmay ayaa sheegay in dhibaatadaan oo ah mid safmar ah ay u baahan yihiin sidii looga gacansiin lahaa u gurmashada Dadka dhibaatadu gaartay si looga badbaadiyo halista ay dhexda uga jiraan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maraykanka oo hubaynaya Israa’iil & shaki laga muujiyay duullaanka ay isku diyaarineyso

Read Next

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Eretareeya & Madaxa ugu sarreeya Suudaan?