Waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Maraykanka uu hub iyo agab ciidan u diray Israa’iil isaga oo u mariyay Dalka Carbeed ee Isutagga imaaraatka, waxaa lagu sii qaaday diyaarad gaar ah oo Militari oo ugu dambayn caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Ben Gurion.
Diyaaradda ayaa la sheegay in ay hubka iyo agabka ciidan si degdeg ah u dejisay, waxaa la xadiday dhaqdhaqaaqa dadka qaybta ay taagnayd Diyaaraddaan halka hawada sare heegan la geliyay gantaallada difaaca si aanay loo beegsan.
Israa’iil ayaa la sheegay in ay isku diyaarineyso duullaan cusub, iyada oo aad isku hubeyneyso maadaama dagaalladii ugu dambeeyay ee Bariga Dhexe ka gaysatay aanay jirin guullo muuqda oo ay ka gaartay sida wararku sheegayaan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Dalalkii Carbeed ee heshiiska horay ula galay Israa’iil muddo xileedkiisii hore ku qalqaalinaya sidii ay u garab istaagi lahaayeen Xukuumadda Tel Aviv oo damacsan in markale dagaallo culus gasho.
Weli si dhab ah looma shaacin meelaha ay duullaanka ku tahay, waxaa jira dalal badan oo lasii calaamadeeyay oo laga shaki qabo in ay beegsato waqti weliba mar haddii Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in uusan cagta dhigi doonnin oo uu duullaan yahay.
Mustaqbal
