Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada Shabeelaha Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Xawaadley, waxaa ka dhacay weerar duqayn ah oo lagu beegsaday ‘AS’ sida wararku sheegayaan.

Saraakiil katirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalkooda uu kusii dhowaanay deegaanno dhowr ah oo ‘AS’ isaga baxeen kaddib markii culays xooggan ay saareen isla markaana duqaymo ku beegsadeen sida hadalka ay u dhigeen.

Ciidamo kooban oo kuwa deegaanka ah ayaa wehliya ciidanka Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kawada Gobolka Shabeelaha Dhexe, Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigto deegaannada gacantooda ka maqan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay yihiin digniinaha Mareykanka soo saarey ee saameynaya Soomaalida ku nool dalkaasi?

Read Next

Maraykanka oo hubaynaya Israa’iil & shaki laga muujiyay duullaanka ay isku diyaarineyso