Shil ka dhacay Garoowe & Israsaasayn xigtay oo sababtay dhimasho iyo Dhaawac

Magaalada Garoowe xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa ka dhacay shil sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale oo la sheegay in uu ahaa askari kaddib markii Gaari nooca raaxada ah uu ku dhacay mooto Bajaaj.

Ciidamada ammaanka Magaalada Garoowe oo goobta tagay ayaa gacanta ku dhigay wadaha Gaariga oo noociisu lagu sheegay Toyota Harrier isla markaana uu xawaare xad-dhaaf ah uu ku waday kolkii uu shilka galayay.

Booliiska Gobolka Nugaal ayaa tilmaamay in uu baarayo Darawalka Gaariga waday oo qudhiisa dhaawac soo gaaray, hay’adaha ammaanka ayaa su’aalo ka weydiin doonna shilkaas sida uu u dhacay iyo wararka sheegaya in uu xiligaas soo isticmaalay walxaha maanka dooriya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shilkaas kaddib israsaasayn ka dhacday Magaalada Garoowe uu ku dhintay askari katirsan ciidanka cusub ee Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Suudi Shire.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Amnesty International “RSF waxa ay Suudaan ka gaysatay dambiyo ka dhan ah Aadanaha”

Read Next

In ku dhow 15 kun oo Arday oo Abaar darteed Waxbarasho la’aan ku haysa Somaliland