War kasoo baxay Hay’adda u doodda Xuquuqul-Insaanka ee Amnesty International ayaa Kooxda RSF ee Suudaan lagu eedeeyay in ay gaysatay dambiyo ka dhan ah Aadanaha, waxa ay hay’addu sheegtay in kooxdaan Gobolka Daarfuur ka fulisay howlgallo ka dhan ah Dad rayid ah.
Amnesty ayaa intaas ku dartay in ay hayso caddaymo ku filan oo muujinaya kiiskaan iyada oo tilmaamtay in ay hayso dacwad ka dhan ah Kooxdaan garabka ka heleysa Isutagga Imaaraatka Carabta tacadiga ka gaysatay Magaalada Al-Faashir.
Hay’adda Amnesty International ayaa ficillada Kooxda gurmadka degdega ah ee RSF loosoo gaabiyo gaysatay ku tilmaamtay dambiyo dagaal iyo in ay meel iska dhigtay sharciyada Caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta xuquuqda rayidka.
“RSF waxa ay Suudaan ka gaysatay dambiyo ka dhan ah aadanaha, dambiyada dagaal waa kuwa lgula xisaabtami doonno cid weliba oo gacan ka gaysatay, waxa ay kooxdu meel uga dhacday shuruucda caalamiga ah ee ilaalinta rayidka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International.
Sarkaal katirsan Kooxda RSF oo lagu magacaabo Abuu Lu’lu ayaa kol hore muuqaal uu iska so duubay waxa uu ku fuliyay Toogasho wadareed ka dhan ah Dad rayid ah, inkasta oo Kooxdu xirtay balse ficilkaas ayaa barmadow ku noqday.
Mustaqbal
