Maxkamadda Gaalkacyo oo dil toogasho ah ku ridday Haweeney dishay Gabar 14 jir ah

Maxkamadda Derajada 1aad ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Xukun Dil ah ku ridday Hodan Maxamuud Diiriye oo lagu helay in ay dil arxan-darra ah u gaysatay Saabiriin Saylan oo ahayd gabar 14 jir ah, kaddib markii labo jeer la dhagaystay kiiskeeda.

Todobaadkii hore oo Maxkamadda la horgeeyay kiiskaan waxa ay qareennada difaacaya Hodan Maxamuud codsadeen waqti dheeraad ah oo ay kusoo xoojiyaan difaaca Haweeneydaan, Maxkamadda ayaa muddeysay maanta oo ugu dambayn markale la dhagaystay.

Gunaanadkii is dhaafsiga eedda Xeer ilaalinta iyo Difaaca Qareennada waxa ay Maxkamaddu gaartay go’aanka xukunka Hodan Maxamuud Dirir oo Dil toogasho ah ku ridday, halka Seygeeda oo lagu magacaabo Cabdicasiis lagu riday 1 sano xabsi ah & ganaax lacag oo ah $500

Kiiska Marxuumad Saabiriin ayaa kamid ah kiisas gilgilay Baraha Bulshada, waxaana muuqaallo ay ka duubtay Hodan Maxamuud Dirir oo gacanteeda ku dishay uu ku faafay Barahaas, waxaa dhacay dibadbaxyo xooggan oo arrintaan looga falceliyay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maareeye Timacadde “Muddo kooban ayaa dadka ugu badbaadinay $4.2 Milyan oo uga bixi jirtay Dukumiintiyo & waqtigooda”

Read Next

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Dad ku eedeysay in ay jirdil& dhaawac u gaysteen Gabar 13 jir ah